Howlgal lagu xaqiijinayay Ammaanka oo laga sameeyey Muqdisho

Published: June 6, 2022

Ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan Ciidamada qeybta Galbeed, kuwa Jagboontiyada Guurguura & Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa xalay howlgallo kala duwan ka sameeyay Xaafado katirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalka ku baarayay Guryaha qaar ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

 Uujeedka howlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay Ammaanka loogana hortagayay dadka falalka Amni darro geysta, Ciyaal weerada & dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Howlgalka intii uu socday ayaa dadkii lagu qabqabtay waxaa goob fagaaro ah kula hadlay Guddoomiyaha Maamulka degmada Wadajir Bashiir Maxamed Cali iyo Taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahadalle oo hoggaamineyay howlgalka, iyaga oo ka codsaday in Ciidamada lagala Shaqeeyo sugida Amniga Caasimadda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *