Howlgalo ka dhan ah Alshabaab oo ka dhacay deegaano katirsan Shabeelaha dhexe

Published: October 21, 2021

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan argagixisada Al-Shabaab ka sameeyay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 27-aad ayaa waxa ay howlgalka ka sameeyeen deegaannada Basra, Buulo-kuute iyo deegaaanno kale oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Inta ay howlgalka wadeen ciidanka ayaa waxa ay qasaarooyin xoogan ku gaarsiiyeen kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, iyagoo bur buriyay fariisimo ay la haayeen argagixisada.

Sidoo kale ciidanka ayaa ku qaarajiyay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *