Human Rights Watch Oo Ka Digtey Caruurta Goobaha Dagaalada Lagu Haligaayo

Published: February 21, 2012

Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixin dheer ka soo saartey caruurta la geynaayo goobaha dagaalka isla markaana askarta loo isticmaalayo warbixinta oo ah mid dheer ayey ugu magacdareen “No Place for Children” Caruurta boos ugama banaan, goobaha dagaalka, guurka khasabka ah iyo Iskoolada lagu weeraryo Soomaaliya.

Eeda u weyn ee warbixinta ayaa dusha looga tuurey kooxda al-Shabaab ee sheegtey in ay si toos ah ula midoobeen Shabakada al-Qaacida. Xarakada al-Shabaab ayaa lagu eedaynayaa in ay caruurta yaryar u isticmaalaan dagaalada ay ka wadaan Soomaaliya.

Human Rights Watch ayaa sheegtey in caruurta khasab loo kaxaysto, waalidkii diida in caruurtiisa la askareeyona la weeraro. Mid kamid ah caruurta la askareeyey ayaa waraysi uu sii yey HRW ku sheegey in mid kamid ah Iskoolada caruurta laga qorto ay soo weerareen al-Shabaab macalimiintii oo dhan ay meel isugu geeyeen kadibna ay ku dhex wareegeen caruurtii waxayna ka soo xusheen inta ay is leeyihiin waa idiin dagaalami kartaa, Wiilkan ayaa sheegay in markii la weydiiyey halka ay caruurta u wadaan ay ku jawaabeen in loo wado Jihaadka.

[youtube]http://www.youtube.com/watch?v=XxC5XbR0oGI[/youtube]

Caruurta la askaraynayo ayaa la sheegay in qaarkood ay da’doodu tahay 10 sano.

HRW ayaa sheegtey in Soomaaliya aysan ku cusbeyn in caruurta loo isticmaalo dagaalada, waxaana eed taas la mid ah dusha laga saarey Ciidamada Dawladda iyo kooxda gacansaarka la leh Dawladda ee Ahlu-Sunnah HRW ayaa warbixintii ay soo saartey sanadkii hore sidaan oo kale ku eedaysey Dawladda iyaga oo warbixintaas ugu magacdarey”You Don`t Know Who to Blame:` War Crimes in Somalia”

HRW ayaa ugu baaqdey Dawladda Federaalka in ay baaritaan ku sameeyaan caruuraha loo isticmaalaya goobaha dagaalada isla markaana ay joojiyaan dhamaan falalkas ka dhanka ah bini’aadanimda

Halkan ka da akhri warbixinta oo dhamaystiran

Horseed Media