ICRC oo iclaamisay in ay kasii shaqeyn doonto Soomaaliya

Published: February 3, 2012

Kadib marki ay dhawaan Al Shabaab ku dhawaaqeen in ay ka mamnuuceen hey’ada Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah in ay ka howlgasho gobolada ay maamulaan ay hey’ada marki ugu horeysay ka hadashay.

War saxaafadeed ka soo baxay Gudiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC ayey ku sheegtay inay ka xun tahay go’aankii ka soo baxay Xafiiska la socodka Hay’adaha Ajaanabiga (OSAFA) ee Xarakada Al-Shabaab oo ay ku joojisay heshiiskii ICRC loogu ogolaadey inay ka qeybiso raashiin mucaawino ah goobaha ay ka taliyaan Al-Shabaab ee Soomaaliya.
“Heshiiskan awgii, waxaan u qaybinay in ka badan 1.2 milyan oo qof oo ku nool bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya hal bil cunto ah inta u dhaxeeysa bilaha Juun iyo Disember 2011,” sidaa waxaa yiri Daniel Duvillard, madaxa howlgalada Bariga Afrika ee ICRC. “Raashinka la qeybiyey wuxuu gacan ka geystey wax ka qabashada nafaqo darro xun oo ka dhex jirtay bulshada.”
Inkastoo ay ICRC la kuluntay xaalado adag inta ay socdeen howlgaladan deg dega ah, hay’adu waxay ku guuleysatey inay u qeybiso in ka badan 17,000 tan oo bariis, digir iyo saliid dadka aadka ugu baahan ee ku nool in ka badan 1,600 meelood oo kala duwan. Iyadoo ay ugu wacan tahay kuleyl, dhedo iyo roobab xoogan, boqolkiiba lix cunnada loogu tala galey in la qeybiyo (in ku dhow 1,000 tan oo digir ah) ayaa waxaa la ogaadey inay xumaatey.
“Digirta waxaa celiyey ICRC ama burburiyey masuuliyiinta Al Shabaab”, sidaa waxaa yiri Mr Duvillard. “Wax cuno ah oo looga shakiyey inaysan u wanaagsaneyn isticmaalka bini’aadamka looma qeybin dadka helaya mucaawinada ee Soomaaliya.”
Darrufaha iminka jira awgood, ICRC ma awoodo inay soo celiso raashinkii loogu talagalay in loo qeybiyo 240,000 qof oo ku nool gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, kaasoo ay is hor istaag ku sameeyeen masuuliyiinta Al Shabaab ee ku sugan Jowhar. Arintan ayaa waxay ku qasabtey ICRC inay hakad geliso raashiinkii ay qeybinaysey bisha Janaweri dhexdeeda.
ICRC waxaa ka go’an inay sii wado caawinta dadka Soomaaliyeed si ay uga baxaan qalalaasaha soo noqnoqdey ee aadininimada, inay wanaajiso xaaladooda nololeed iyo inay helaan daryeel caafimaad sida ICRC ay sameyneysey sodonkii sano ee la soo dhaafey.

Horseed Media