Imaaraadka oo diyaarad gargaar sida keenay Muqdisho

Published: February 8, 2022

Shixnaddii labaad ee raashin gargaar ah ayay maanta dowladda Imaaraadku soo gaarsiisay Soomaaliya taas oo loogu tala galay dadka abaaruhu saameeyeen.

Wasiirka gargaarka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye oo ay wehliyaan xubno ka tirsan guddiga Qaran ee Abaaraha ayaa kala wareegtay shixnadda dowladda Imaaraadka.

Wasiir Khadiija ayaa ugu mahad celisay dowladda Imaaraadka Carabta garab istaagga walaalaheeda Soomaaliya iyo dadka ay abaaruhu waxyeelleeyeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *