Imaaraadka Oo Gargaarkii 3-aad Keenay Soomaaliya

Published: February 14, 2022

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta gar-gaarkii seddexaad ee bani’aadanimo ka dejisay garoonka diyaaardaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan oo loogu talogalay ay saameeyeen abaaraha ka jira dalkeena ayaa waxaa ka guddoomay masuuliyiin ka tirsan xukuumada xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka oo horkacayso Wasiirka Gargaarka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye.

” Dowladda Imaaraatka waxaan uga mahadceliyay doorkooda ku aadan xaaladdaha Bini’aadanimo ee dalka ” ayey tiri:- Wasiir Khadiijo Diiriye.

Deeqda uu Imaaraadka Carabta soo gaarsiiyay dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli abaaro ba’an ay ku dhufteen guud ahaan Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *