IMF & Soomaaliya oo ka wada hadlay Horumarinta Dhaqaalaha Dalka

Published: March 3, 2024

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo uu weyhiyo Wasiirka Wasaaardda Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta daah-furay shirka dib-u-habeynta Maaliyadda ee Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF, shirkaas oo socon doona muddo todobaad ah.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa dib-u-eegis lagu sameynayaa wixii horumar maaliyadeed ah ee u qabsoomay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo muddo seddex bilood kahor laga cafiyay deymihii cuuryaamiyay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan ee looga wadahadlayo shir ayaa waxaa kamid ah sare u qadidda dakhliga Dowladda, hannaanka Maamul-wanagga Maaliyadda iyo horumarinta Barnaamijka Qorshaha Qaranka.

Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige oo furitaankii Shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya ay u qabsoomeen qodobo la taaban karo oo ay ugu horreeyaan horumarinta illaha dakhliga Dowladda oo dadaal dheer ay galisay Wasaaradda Maaliyadda oo kaashanaysa Wasaaradaha Dowlad-Goboleedyada Dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa u mahadceliyay dhammaan hey’adaha ka soo qeybgalay kulankaan oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Cadaaladda, Bangiga dhexe,  Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo IMF iyo Bangiga Adduunka.

Gabagabada shirka ayaa la filayaa in la soo saaro war-murtiyeed ka hadlaya horumarka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya saddexdii bilood ee la soo dhaafay kadib gaaristii barta kama dambeysta deyn cafinta.

Horseed Media