In ka badan 100 ruux oo ku geeriyootay dibad baxyada dalka Iran.

Published: November 20, 2019
Iran

Hey’adda udooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in dibad baxyada dalka Iran ay ku dhinteen in kabadan 100 ruux.

War-saxaafadeed ay soo saartay hay’adan oo fadhigeedu yahay dalka UK ayaa ciidamada amaanka ku eedeeyay in ay tacadiyo kala duwan kula kaceen dibad baxyaasha.

“Ugu yaraan 106 ruux oo dibad baxyaal ah ayaa ku dhintay 21 magaalo oo katirsan dalka Iran” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda.

Amnesty International

Dowladda Iran ayaanan wali wax jawaab ah ka bixinin warbixinta hay’adda.

Sidoo kale masuuliyiinta dowladda Iran ayaanan wali si rasmi ah u shaacinin dadka ku dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay dibad baxyada.

Dibadbaxyada Jimhihii dalkaasi ka bilawday ayaana yimid kadib markii dadku ay ka cawdeen qiimaha shidaalka oo ay dowladdu sara u qaaday.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *