Instagram ka Villa Somalia oo la jabsadey, kadibna la soo dhigey muuqaalo

Published: October 6, 2022

Bogga rasmiga ah ee Villa Somalia ku leedahay Instgram ayaa laga jabsadey oo la so dhigey muuqalo looga soo horjeedo MadaxweyneXasan Sheekh.

Ilaa 40 kun oo qof ayaa ku xiran bogga rasmiga ah ee Villa Somalia ku leedahay Instagram.

Laba muuqaal ayaa la soo dhigey oo uu ka hadlaayo qofka jabsadey oo aad u qaylinaaya, ninka ka dhex qayliya bogga Instagram ka Villa Somalia ayaa ahaa mid laga yaqaano baraha bulshada, ninkan ayaa weeraraya siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh sidoo kale waxa uu ka hadalayaa beelo Soomaaliyeed.

Horseed media