Iran: Maxkamad xukunno ku ridday illaa 400 oo debedbaxayaal ah

15 December, 2022

Maxkamad ku taalla magaalada Tehran ee dalka Iran ayaa 400 oo qof ku xukuntay xabsi gaadhaya…

Maxkamad ku taalla magaalada Tehran ee dalka Iran ayaa 400 oo qof ku xukuntay xabsi gaadhaya illaa 10 sannadood, ka dib markii lagu eedeeyey inay ku lug yeesheen mudaharaadadii ka dhashay, dhimashada Mahsa Amini.

Madaxa garsoorka ee dalka Iran Ali Alghasi-Mehr ayaa sheegay in ka dib markii maxkamaddu ay dhegaysatay eedaha la soo jeediyey, inay 160 qof ku xukuntay xabsi u dhexeeya shan sannadood illaa 10 sannadood, 80 qof oo kalena laba illaa shan sannadood halka ay 160 qof oo kalena ku xukuntay illaa laba sanadood.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa dhegaha ka furaysatay cambaaraynta caalamiga ah ee uga imanaysa, habka ay ula macaamishay debedbaxayaasha, gaar ahaan xukunadii deldelaadda ahaa ee ay ku fulisay qaar ka mida debedbaxayaasha.

Muddo ku dhow saddex bilood waxaa dalka Iran ka socda mudaharaado baahsan, kuwaas oo saraakisha amniga ee dalkaasi ay ku tilmaameen inay yihiin rabshado.

Horseed Media