Ilaalada Kacaanka Iran ayaa Sabtidii sheegay in Israa’iil weerarkii ay kudishay madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh u adeegsatay “madfac gaaban” oo laga soo tuuray meel ka baxsan hoygii uu ka deganaa Tehran.
“Howlgalkan argagixisanimada ah waxaa lagu fuliyay gantaal riddo gaaban ah oo leh madax qaraxa oo qiyaastii 7kg ah — oo sababay qarax xooggan – oo ka yimid bannaanka aagga hoyga,” ayay Ilaalada ku sheegeen qoraalka ay soo saareen shalay.
Waxay intaas ku dareen in Israa’iil “ay gacan ka heshay Maraykanka”.
Haniyeh ayaa lagu dilay subaxnimadii Arbacada caasimadda Iran halkaas oo uu kaga qayb galayay munaasabada caleemo-saarka madaxweynaha cusub, Masoud Pezeshkian.
Iran iyo Xamaas ayaa wacad ku maray inay ka aargoosan doonaan.
Militariga Iran ayaa ku celceliyay in Haniyeh ay u aari doonaan iyo in Israa’iil ay heli doonto “ciqaab adag wakhtiga, goobta iyo habka ku habboon.”
Horseed Media