IRAQ: Dad badan oo ku dhintay xus diimeedka Shiicada

Published: September 2, 2023

Shil baabuur oo ka dhacay waqooyiga Ciraaq ayey ku dhinteen ugu yaraan 16 qof, oo u badan Shiicada Iiraaniyiin ah, iyadoo malaayiin qof ay isugu soo baxeen magaalada Karbala si ay u aadaan xuska Arbaciin, oo ah mid ka mid ah kulan diimeedkooda.

Shilkan oo ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Dujail iyo Samarra ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 13 qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda ee INA maanta oo sabti ah.

Laba bas ayaa isku dhacay wax yar ka hor saqdii dhexe ee jimcihii, sida uu wakaalada wararka ee AFP u sheegay sarkaal ka tirsan caafimaadka gobalka Salaheddine oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Horseed Media