Isbitaalka Keeysaneey oo 20 jirsaday

Published: February 3, 2012

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamusayey sanadguuradi 20-aad ee kasoo wareegatay aas aaski isbitaalka Keeysaneey ee degmada Kaaraan.

Xafladan oo ay ka qeyb galeen Dhaqaatiir, Madaxda Jaamacadaha, Machadyada waxbarasho, Arday, shaqaalaha isbitaalka Keysaney ayaa ugu horeyn waxaa xariga ka jaray OT-ga cusub Ku simaha Isku duwaha howla Ururka Bisha Cas C/qaadir Ibraahim Xaaji Caafi oo sheegay muhiimada ay leedahay OT-ga cusub lagu soo kordhiyay Isbitaalka.

Madaxa Maamulka Isbitaalka Keysaney Cali Yuusuf Maxamed (Cali Bile) ayaa sheegay in 20-kii sano ee Isbitaalka Keysaney jiray uu wax weyn u qabtay bulshada Soomaaliya, isagoo xusay inay mudan tahay in loo mahad celiyo aas aasihii isbitaalka Drs Mina Xasan.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf oo ka hadlay Isbitaalka ayaa waxay ku ammaaneen howsha weyn ee Isbitaalka u hayo bulshada Soomaaliyed, isla markaana Isbitaalka soo maray marxalado kala duwan.

Hormuudka Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir Dr. Maxame dMaxamuud Bidey ayaa sheegay in Isbitaalka uu wada shaqeyn la leeyahay jaamacadaha iyo machadyada, isla markaana lagu tababaro Ardayda, isagoo intaa ku daray in Saalada qaliinka cusub ay tahay mid aan dalka ka jirin oo casri ah, wuxuuna ugu hambalyeeyay Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaalka.

Agaasime kuxigeenka Isbitaalka Keysaney Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Tajir) ayaa waxaa uu si qoto dheer uga hadlay taariikhda iyo marxaladihii uu soo maray Isbitaalka, intii uu jiray, waxaana uu sheegay in tirada bukaanka qaliinka loo smaeeyay ay gaareyso 75, 938 halka 143,132 bukaan oo aan la seexin isbitaalka lagu qaabiley qeybta OPD-da, waxaa uu mahad u celiyey bulshada Soomaaliyeed iyo weliba hay`adihii gacanta u fidiyey isbitaalka gaar ahaan ICRC.

Ugu dambeyn waxaa ka hadlay Munaasabada Isku duwaha howlaha Ururka Bisha Cas C/qaadir Ibraahim Xaaji Caafi oo sheegay in Isbitaalka Keysaney uu wax weyn oo la taaban karo uu u qabtay shacabka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in isaga uu ka mid ahaa bukaanada lagu daaweeyay isbitaalka, waxaana uu u gudbiyay ka qeyb galayaasha salaan uu ka siday Gudiga Fulinta iyo Gudoomiyaha Bisha Cas Dr. Axmed Maxamed Xasan oo ku booriyay in shaqaalaha Isbitaalka ay sii laba laabaan howshooda.

Isbitaalka Keysaney ayaa ka mid ahaa Isbitaalada kadib bur burkii dowladdii dhexe marti geliyay bukaanadii ugu faraha badnaa, waxaana Isbitaalka la keeni jiray dhaawacyo, dad xanuuno qaba, iyadoo Isbitaalka Gobolada dalka dadka xanuunaqa qaba iyo kuwa shilalka kala duwan ku soo dhaawacma la soo gaarsiin jiray, waxaana uu ka mid ahaa isbitaalada saameeyay dagaaladii labaatankii sano dalka ka dhacayay.

 

Horseed Media