Israa’iil oo weerar ku qaaday deegaanka Mazzeh ee magaalada Dimishiq

15 November, 2024

Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in Israa’iil ay Jimcihii duqeysay degmada Mazzeh ee Dimishiq, waana weerarkii…

Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in Israa’iil ay Jimcihii duqeysay degmada Mazzeh ee Dimishiq, waana weerarkii labaad oo maalmo gudahood lagu qaado xaafadda ay degan yihiin safaaradaha, xarumaha ammaanka iyo xafiisyada Qaramada Midoobay.

Israel oo duqeymo ay ka geysatay Dimishiq iyo nawaaxigeeda khamiistii ayaa waxaa ku dhintay 23 qof.

Weerarkii Khamiista lagu qaaday Mazzeh ayaa lagu dilay 13 qof, oo ay ku jiraan dad rayid ah iyo dagaalyahanno ay Iran taageerto, halka weerar ka dhacay duleedka Dimishiq lagu dilay 10 Falastiiniyiin ah.

Weeraradan ayaa ku soo beegmaya xilli uu khamiistii booqasho rasmi ah ku tagay Dimishiq Cali Larijani, oo ah la taliyaha sare ee hogaamiyaha ugu sareeya Iran Ali Khamenei, kaas oo la kulmay madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad.

Horseed Media