Ciidamada Israel ayaa weerar ku qaadaya Tulkarem oo ku taal Daanta Galbeed ee dhulka la haysto kadib markii ay duqeyn cirka ah ku qaadeen gaari uu saarnaa sarkaal ka tirsan Xamaas, duqeyntaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof.
Haitham Balidi, oo ah hogaamiyaha garabka militari ee Xamaas ee magaalada Nablus, ayaa weerarkaasi lagu dilay.
Weerarada cirka ee Israa’iil ku qaaday deegaanka Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin ee la haysto ayaa sare u kacay tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka socda Marinka Gaza, iyadoo la diiwaangeliyey ugu yaraan 29 duqeyn cirka ah oo ay ku dhinteen in ka badan 80 falastiiniyiin ah.
Dhanka kale, weerarrada dhulka ee Israa’iil iyo xarig-wadareedyo ballaaran oo ka dhacay Daanta Galbeed ayaa sidoo kale cirka isku shareertay isla muddadaas, taasoo noqotay dhacdo maalinle ah. In ka badan 9,300 oo qof oo Falastiiniyiin ah ayey Daanta Galbeed ku xirtay Israa’iil.
Horseed Media