Israa’iil oo 90 qof u dishay Isbitaalka al Shifa ee Gaza

Published: March 20, 2024

Ciidamada Isra’iil oo maalmahan weerar ku qaaday isbitaalka ugu weyn Gaza ee Al shifa ayaa halkaas ku dilay ugu yaraan 90 qof.

Ciidamada Israa’iil oo dagaal kula jiray dagaalyahanada Xamaas ee ka dagaalamaya nawaaxiga isbitaalkaasi, ayaa la sheegay inay sidoo kale xabsiga u taxaabeen 350 Falastiiniyiin ah, kuwaasi oo la sheegay in 160 kamid ah loo qaaday dhulka Isra’iil maamusho.

Dhinaca kale waxaa weli socota duqeynta xoogan oo ay Israa’iil ku wado deegaanada kale ee Gaza gaar ahaan waqooyiga iyo bartamaha.

Horseed Media