Israa’iil oo aqbashay inay dib u bilawdo wadahadalada xabbadjoojinta ee dagaalka Qaza

Published: August 9, 2024

Israel ayaa Khamiistii aqbashay inay dib ugu laabato wadahadaladii xabad joojinta ee dagaalka Gaza, ka dib markii ay dalbadeen Mareykanka, Qatar iyo Masar si ay u gaaraan heshiis lagu dhameynayo dagaalka iyo sii deynta inta hartay ee la haystayaasha iyo maxaabiista.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Khamiistii, saddexda waddan, ee dhexdhexaadinta waday, ayaa sheegay in la gaadhay waqtigii la soo gebagebeyn lahaa heshiiska xabbad joojinta, isla markaana la sii dayn lahaa iyo in gargaar degdeg ah oo dheeraad ah la geeyo Qaza.

Dalalka dhexdhexaadinta waday ayaa sheegay inaanu jirin wakhti intaas ka badan oo la sii lumiyo ama marmarsiinyo dheeraad ah oo dib loogu sii dhigo wadahadalada.

Waxay sheegeen in la joogo xilligii la sii dayn lahaa la haystayaasha, isla markaana ay bilaaban lahayd xabbadjoojinta iyo hirgelinta heshiiskani.Waxay ugu baaqeen labada dhinac inay dib u bilaabaan wada-hadallada 15-ka Agoosto oo ka dhaca Dooxa ama Qaahira.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay goor dambe oo Khamiistii ah in Israa’iil ay u diri doonto koox wada-xaajoodyada u qaabilsan marka la gaadho bishan August 15-keeda, goobta lagu heshiiyo, si ay u soo gunaanadaan wadahadalada socda.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xamaas oo sheegaya in ay wafdi u diri doonaan.

Dhanka kale, ciidamo cusub oo Mareykan ah ayaa soo gaaray Bariga Dhexe, kuwaas oo loo qoondeeyay inay ka caawiyaan Israa’iil inay ka difaacaan weerarrada suurtagalka ah ee Iran iyo taageerayaasheeda gobolka ku sugan.

Horseed Media