Israa’iil oo aqoonsigii kala noqotay Wakiilada Norway u fadhiya Falastiin

Published: August 8, 2024

Norway ayaa sheegtay Khamiistii inay u yeertay Safiirka Israa’iil kadib go’aankii ay Israel kaga laabatay sharciga diblomaasiyadeed wakiillada Norway ee maamulka Falastiin.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway Espen Barth Eide iyo wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Israel Katz.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa sheegtay in ay kala noqonayso maqaamkii dublamaasiyadeed ee “sideed diblomaasiyiin oo Norway ah”.

Wasiirka arrimaha dibadda Espen Barth Eide ayaa sheegay in uu “la yaabay” go’aankii kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Katz maanta oo Khamiis ah.

“Waqti yar ka hor, waxaan u yeeray wakiilka Israel ee Norway oo aan kula kulmay wasaaradda arrimaha dibadda si aan ugala hadlo go’aankan,” ayuu yiri Wasiir arrimaha dibada ee Norway Barth Eide.

Qoraal uu horay u soo saaray, Wasiirka Norway Barth Eide wuxuu go’aanka Israa’iil ku tilmaamay “ficil aad u xun” oo “cawaaqib yeelan doona.”

“Norway waxay si cad u muujisay dhaleecaynteena ku aaddan qabsashada (dhulka falastiiniyiinta), qaabka loo qabtay dagaalka Gaza iyo dhibaatada ay tani u geysatay dadka rayidka ah ee Falastiin,” Eide ayaa sii waday.

Mareykanka oo ah xulafada labada dal ayaa ku tilmaamay go’aanka Israel mid aan loo baahneyn.

Horseed Media