Israel oo Aqbashay hakinta dagaalka 4 maalmood!

Published: November 22, 2023
Shares12

Dowlada Qatar ayaa ku guuleysatay dadaaladii asbuucyadii lasoo dhaafay loogu jiray in lagu hakiyo dagaalka Gaza.

Heshiiskan ayey aqbaleen Xamaas iyo Israel waxayna labada dhinac ogolaadeen inay xabada joojiyaan muddo 4 maalin ah.

Waxaa xusid muddan in heshiiskan uusan ahayn mid Xabad-Joojin dhameystiran. Dagaalka ayaa dib u bilaaban doona 4taas maalin kadib.

Xiliga ay ka bilaaban doonto hakinta dagaalka ayaa lagu wadaa in la shaaciyo maanta ama berri.

Maalmahaas dagaalka la hakiyey ayaa lagu wadaa in lasiidaayo maxaabiista labada dhinac kala heystaan.

Qorshaha heshiiskan kooban ayaa ah in 50 kamid ah shacabka Xamaas qafaalatay lasiidaayo.

Israel ayaa laga doonayaa inay siideyso 150 shacabka Falastiiniyiinta ee xabsiyadeeda ku jira.

Israel ayaa diyaaradaheeda wax basaasa ee Drone-ka hawada ka saari doonta 6 saac maalin walba. Si Xamaas u diyaariso dadka lasii deynayo.

Xamaas ayaa lagu wadaa in dadka ay siideynayso ay u bataan caruurta da’ada yar iyo haweenka ay qafaasheen 7dii Oktoober.

Xukuumada Israel oo horey u diidaneyd hakinta dagaalka ayaa aqbashay heshiiskan, kadib cadaadis uga yimid caalamka & qoysaska dadkooda laheysto.

Wuxuu heshiiskan sidoo kale qorayaa in gargaarka bini’aadamnimo loo fasaxo Gaza, waxaana lagu wadaa in 300 ah gaadiidka sida Raashin iyo Shidaalka loo fasaxo shacabka Gaza.

Horseed Media