Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ayaa ku baaqay in NATO laga saaro Turkiga, kadib markii madaxweyne Tayyip…
Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ayaa ku baaqay in NATO laga saaro Turkiga, kadib markii madaxweyne Tayyip Erdogan uu ku hanjabay in dalkiisu uu galayo Israa’iil sidii ay hore ugu galeen Liibiya iyo Nagorno-Karabakh.
“Iyadoo la tixgelinayo hanjabaadda madaxweynaha Turkiga Erdogan ee ah inuu ku duulo Israa’iil iyo hadaladiisa khatarta ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Katz ayaa ku amray diblomaasiyiinta … inay si degdeg ah ula xiriiraan dhammaan xubnaha NATO, iyagoo ku baaqaya cambaareynta Turkiga oo ay dalbadaan in laga saaro isbahaysiga,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada ee Israel, isniintii shalay.
Erdogan, oo aad u dhaleeceeyay dagaalka Israa’iil ay kula jirto Gaza, ayaa khudbad uu Axaddii jeediyay ku yiri: “Waa inaan awoodeena muujinaa si aysan Israa’iil usii wadin falalka ay ka wado Falastiin. Sidii aanu faraha ulla galnay Karabakh (dagaalkii Azerbaijan iyo Armenia), sidii aanu Liibiya u galnay, ayaanu ku samayn karnaa (Israel)”.
Madaxweyne Erdogan, ma uusan faah faahin nooca faragelinta uu soo jeedinayo.
Horseed Media