Israel oo duqeyn ku dishay duqa magaalada Nabatiyeh, Lubnaan

Published: October 16, 2024

Lubnaan ayaa sheegtay in lix qof ay ku dhinteen duqeymo Arbacadii ay Israa’iil ku qaadday dhismayaal dowladeed oo ku yaalla koonfurta magaalada Nabatiyeh, halkaas oo ay maamulaan Xisbullah iyo xulafada Amal, iyadoo sarkaal uu sheegay in duqa magaalada uu ka mid ahaa dadka dhintay.

Weerarradan ayaa ka mid ahaa 11 weerar oo lagu qaaday magaalada Nabatiyeh iyo nawaaxigeeda, sida uu sarkaalka u sheegay wakaalada AFP.

Qaramada Midoobay ayaa markale ku baaqday ilaalinta dadka rayidka ah, halka ra’iisul wasaaraha Lubnaan uu sheegay in weerarrada lala beegsaday shir ay lahaayeen Golaha dowlada hoose ee magaalada.

Kooxaha gurmadka ayaa sheegay in duqeymahaasi ay burburiyeen dhismaha dowladda hoose iyo goob caafimaad oo ku dhowaa, iyadoo dadka dhintay ay ku jiraan labo dhaqtar.

Horseed Media