Israel oo duqeysay Koonfurta Lubnaan

Published: August 26, 2020

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa maanta oo Arbaca ah duqeyn la beegsaday koonfurta dalka Lubnaan kadib markii ay sheegeen in xabado looga soo tuuray dhinaca dalka Lubnaan.

Wasaarada Difaaca ee Israel ayaa sheegtay in xalay ciidamadooda ku sugan xaduuda laga soo xabadeeyey dhinaca Lubnaan, isla markaana duqeynta maanta ay jawaab u tahay dhacdadii xalay.

Israel ayaa sheegtay inay duqeysay goob ay Kooxda Xisbullah u adeegsato sahanka oo ku taal nawaaxiga xaduuda.

Kooxda Xisbullah oo saldhigeedu yahay dalka Lubnaan ayaa leh ciidamo hubeysan oo iyaguna ku sugan xaduuda, waxayna kooxdaasi dagaal kula jirta Israel, Xisbullah ayaa horaantii todobaadkan sheegatay inay soo diray diyaarad nooca Drone-ka oo ay Israel leedahay.

Todobaadkan ayaa lagu wadaa in Golaha Amaanka markale ka shiro muddo kordhinta hawlgalka ciidamada UN-ka ee ku sugan xaduuda u dhaxeysa Israel iyo Lubnaan, ciidamadan oo lagu magacaabo UNIFIL ayaa sanadkii 1978dii halkaas loo geeyey inay illaaliyaan xabad joojinta.

Hanad Askar
Horseed Media   

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *