Israel oo habeenkii 7aad duqeyn ku wada Gaza

Published: August 18, 2020

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa xalay saqdii dhexe markale duqeyn la beegsaday saldhigyada Xisbiga Xamaas ku leeyahay Marinka Gaza.

Waa habeenkii 7aad oo ay Israel duqeyn ku wado Gaza, waxayna sabab uga dhigtay in Xamaas ay madaafiic ku tuurto Israel iyo waliba buufino dab wata oo lagu gubay beeraha Israel ku leedahay dhulka saaran Gaza.

Duqeyntii xalay ayaa kusoo beegmatay xili ay deegaanka ku sugan yihiin wafdi ka socda Masar (Egypt) oo dhex dhexaadin ka dhex wada Israel iyo Xamaas.

Wafdiga Qaahira ka yimid oo ka kooban saraakiil sirdoonka Masar ayaa Isniintii magaalada Gaza kula kulmay mas’uuliyiinta Xamaas, waxayna xalay u gudbeen dhinaca Israel oo ay weli ku sugan yihiin.

Israel ayaa cunaqabateyn dhinac walba ah saartay Gaza tan iyo sanadkii 2007 markii uu xisbiga Xamaas doorasho shacab ay ku qabteen maamulka Gaza.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *