Israel oo ku dhawaaqday dhul-boob horleh – VIDEO

Published: January 25, 2017

Xukuumada Xagjirka ah ee Israel ayaa ku dhawaaqday inay dhub boob horleh la beegsaneyso dhulka Falastiiniyiinta degen yihiin ee Danta Galbeed ee wabiga Urdun.

Qorshahan cusub oo ay xukuumada Israel shaacisay ayaa lagu sheegay in guryo gaaraya 2500 laga dhisi doono dhulkan lagala wareegayo si xoog ah Falastiiniyiinta, arrintaasi oo ka hor imaaneysa sharuucda caalamiga ah.

Dhul-boobka Israel ayaa ah caqabada ugu weyn ee mar walba hortaagneyd in heshiis la dhex dhigo Falastiinyiinta, dhulka ayaa muhiim u ah Falastiin maadaama ay dooneyso in ay mustaqbalka ku dhawaaqdo dowlad u gaar ah.

Israel ayaa ka faa`iideysaneysa Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump oo isagu taageero indho la`aan ah u haya Israel. Xukuumada Benjamin Netanyahu ay dardar gelineysa dhul boobka ay ku heyso dhamaan deegaanada ku dhaw magaalada barakeysan ee Qudus.

Donald Trump ayaa sheegay in uu magaalada Qudus u aqoonsan doono Caasimada Israel, isla markaana uu Safaarada Maraykanka kasoo rari doono Tel Aviv xaruna uga dhigi doono Qudus oo kutaal dhulka Caalamka u aqoonsan yahay in Israel ay sharci daro ku heysato.

Trump ayaa asbuuca soo socda Washington ku casumay Netanyahu, wuxuuna noqonayaa hogaamiyayaasha ugu horeeya ee uu casumaada u diray Madaxweynaha cusub ee Maraykanka.

Beesha Caalamka ayaa sharci daro u aqoonsan dhul boobka Israel ee dhamaan deegaanada iyo magaalooyinka ay ka dhistay gudaha xaduudaha loo aqoonsan yahay Falastiin ee dagaalkii 1967.

Dowladii hore ee Barack Obama ayaa si adag u cambaareysay xukuumada Israel dhul boobkeeda oo ay ku sheegeen mid caqabad ku ah nabada bariga dhexe.

Dhinaca kale Falastiin ayaa xalay qoraal ay u gudbisay Qaramada Midoobay iyo Golaha Amaanka uga codsatay in Beesha Caalamka tilaabo ka qaado qorshaha Israel damacsan tahay.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *