Israel: Weerar lagu qaaday goob Basaska laga raaco, dhimasho & dhaawac ka dhalatay

Published: February 16, 2024

3 ayaa ku dhintay, 4 kalena way ku dhaawacmeen weerar toogasho ah oo ka dhacay koonfurta Israa’iil.

Waxaa korortay tirada dadka ku dhintay weerarka. Xiisad ayaa ka taagan koonfurta dhulka la heysto, iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha ay ku hayso marinka Qasa.

Taliyaha booliska Israa’iil Kobi Shabtai ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aalaha ku saabsan aqoonsiga qofka toogashada geystay, qofkaasi oo isna la dilay, isagoo sheegay in baaritaanka uu socdo.

Horseed Media