Issimo oo uu hogaaminayo Boqor Burhan oo si weyn Garacad loogu soo dhaweeyey- Sawiro

Published: October 1, 2020

Magaalada Garacad ee gobalka Mudug ayey gaareen wafuud badan oo ay horkacayaan Issimada gobalka oo uu hogaaminayey Boqor Burhan Boqor Muuse.

Issimada oo shalay ka ambabaxay magaalada Burtinle ee gobalka Nugaal ayaa siimaray deegaano badan oo ay kamid tahay degmada Jariiban ee gobalka Mudug.

Wafdigan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garacad oo ay hada ka socoto dhismaha Dekada ugu horeysay oo ay shacabka dhisanayaan, dekadaasi oo wajigii kowaad gebo gebo ah iyadoo la filayo dhawaan in la bilaabo wajiga labaad ee dhismaha dekada.

Qorshaha Dekada Garacad ayaa ah in horay loo sii bilaabo shaqada dekada, waxaana dhismaha la filayaa in lasoo afjaro bartamaha sanadka soo socda ee 2021.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *