Italy: Ciidamada Talyaaniga oo qabtay Ganacsatada Hubka – VIDEO

Published: February 1, 2017

Ciidamada Amniga ee Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay sadex kamid ah ganacsatada waaweyn ee hubka geyn jiray Liibiya iyo Iran.

Raggan ayaa la sheegay inay hubka culus oo ay ku jiraa Diyaaradaha dagaalka ee Helikobterka iyo gantaalada cirka geeyeen dalalka Liibiya iyo Iran intii u dhaxeysay sanadihii 2011 illaa iyo 2015.

Kooxdan ka ganacsatada hubka ayaa la sheegay inay madax u ahaayeen shabakad hubka iibisa oo xiriir laleh dalalkii hore ee Sofiyeertka oo ay hubka kasoo qaadi jireen, iyagoo soo marsiin jiray dalalka Ukraine iyo Tunisia.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *