ITALY: Shacab ka careysan Bandowga Covid19 iyo Booliiska oo gacanta isula tagay

Published: October 27, 2020

Kumanaan kamid ah shacabka magaalada Milan ee dalka Talyaaniga ayaa xalay dhigay banaanbaxyo rabshado wata oo ay uga soo horjeedaan go’aanka xukuumada Italy soo rogtay si looga hortago cudurka Covid19 oo markale si xoogleg ugu faafaya wadankaasi.

Raysalwasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa soo rogay amaro cusub kadib markii ay sare u kacday tirada uu ku dhacay coronavirus, waxaana amarada cusub kamid ah in la xirayo dhamaan makhaayadaha wixii ka danbeeya 6da fiidnimo.

Sidoo kale goobaha dadka isugu yimaadaan sida Shaneemooyinka iyo goobaha jimicsiga ayaa la amray in la xiro muddo bil ah, arrintan oo si weyn uga careysiisay shacabka oo khaati ka taagan bandowga iyo xayiraada la xariirta cudurka Covid19.

Dalalka Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inay todobaadkan soo rogaan amaro cusub kadib markii cudurka Covid19 uu kusoo labo-kacleeyey dalalkaasi xili laga galay wakhtiga qaboobaha.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *