Itoobiya: Bangiyada oo dib uga howl bilaabay gobolka Tigray kadib xabbad-joojintii dagaalka

Published: December 21, 2022

Qaar kamdi ah bangiya gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay dib u bilaabay adeegyadii dadweynuhu ay ka heli jireen muddo sannad ah, kadib xabbad-joojintii bishii November ee dagaalkii muddo laba sano ah socday.

Bangiyada gobolka Tirgay ayaa guud ahaan xirmay tan iyo markii TPLF ay ka saartay gobolka Tigray ciidanka qaranka Itoobiya bishii June 2021.

Bangiga Ganacsiga Itoobiya oo ay dowladdu maamusho ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay galinkii dambe ee Isniintii inay dib u fureen laamo uu ku lahaa magaalada Shire iyo magaalooyinka Alamata iyo Korome.

Bangiga caalamiga ah ee Lion iyo Bankiga Wegagen ayaa sidoo kale dib u bilaabay adeegyadii ay ka hayeen qeybo ka mid ah gobolka Tigray, sida ay bangiyadani sheegeen Talaadadii.

Heshiiska xabbad-jooginta ayaa dhigaya in si buuxda dib loogu soo celiyo adeegyadii aasaasiga ahaa ee Tigray, waxaana adeegyadii korontada dib loogu soo celiyay caasimadda gobolka ee Mekelle horraantii bishaan markii ugu horeysay muddo sanad ah.

Horseed Media