Itoobiya: Ciidamada Tigreega oo bilaabay inay hubka culus ku wareejiyaan ciidamada dowladda

Published: January 11, 2023
Shares10

Ciidamada Tigreega oo dagaal socday muddo labo sano ah kula jiray dowladda federaalka Itoobiya, ayaa bilaabay in ay hubka culus ku wareejiyaan ciidamada qaranka, taasoo qayb ka ah geeddi-socod nabadeed oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika.

Xil-wareejinta hubka oo ka dhacday magaalada Agulae oo qiyaastii 30 km (18 miles) waqooyi bari kaga beegan magaalada Mekelle ee xarunta gobolkaasi, ayaa waxaa kormeeray koox kormeereyaal ahka kooban xubnaha labada dhinac iyo urur goboleedka IGAD.

Xafladda wareejinta hubka ayaa waxaa ka hadlay wakiilka ciidamada difaaca Tigrayga (TDF) Mulugeta Gebrechristos waxaana uu sheegay in bilowga hub ka dhigista ay kaalin weyn ka qaadan doonto soo celinta nabadda.

Burburinta ciidamada Tigrayga ayaa loo arkaa inay udub dhexaad u tahay heshiiskii xabbad-joojinta ee November 2-deedi, oo ay barbar socdeen soo celinta adeegyadii dowliga ahaa iyo kuwa gaar ahaaba.

Colaadda ayaa boqollaal kun oo dadwaynaha Tigrayga ah ku abuurtay xaalad macaluul oo kale ah, waxaana ku dhintay kumannaan waqooyiga Itoobiya.

Horseed Media