Itoobiya: Duqeyn ka dhacdey magaalada Makelle ee xarunta Tigreega

Published: August 26, 2022
Shares314

Duqeyn dhanka cirka ayaa maanta ka dhacdey magaalada Makelle ee gobolka dagaaladu la dageen ee Tigraya ee dalka Itoobiya.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatey oo ay ku jiraan caruur, sida uu sheegay madaxa isbitaalka guud ee Makelle.

Telefishanka Tigrey ee ay maamulaan TPLF ayaa sheegay in duqeyntu dhacdey abaare 01:00 duhurnimo ee xiliga Bariga Afrika, waxaana ay ku eedeeyeen Addis Ababa in ay ka danbeyso.

War ka soo baxay dowladda Itoobiya ayaa shacabka Tigreega looga digey in ay u dhawadaan goobaha ciidamada iyo tababarada ay ku lee yihiin falaagadu sida warka loo dhigay.

Iyada oo dhawaan la sugaayey in wada hadal toos ah u furmo oo nabadeed Adis Ababa iyo Makelle ayaa waxaa hadda muuqanaya in xiisadii dib u soo cusboonaatey.

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka WHO Tedros Ghebreyesus oo ka soojeeda qawmiyadda Tigreega horeyna u soo noqdey wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegay in xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd ka jirto gobolkaas, waxaana uu ku daray in xitaa qoyskiisi ay aad u taabatey dhibaatadu oo aanu wax xiriir ah la lahayn, dhaqaale xitaa u diri karin. Itoobiya ayaa ku eedeysey madaxaha WHO in ay qaadey caadifad, ee aanu u hadlin si xirfad leh.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *