Itoobiya iyo Puntland oo iska kaashanaya dhoofka xoolaha ee dekadaha Puntland

Published: April 3, 2024
Shares6

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Danjire Mesganu Arga ayaa maanta si diiran ugu qaabilay xafiiskiisa wafdi heer sare ah oo heer wasiir ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamed, magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Wafdiga Puntland ee booqashada ku yimid ayaa ku nuux nuuxsaday xiriirka soo jireenka ah iyo kan walaaltinimo ee ka dhaxeeya Puntland iyo Itoobiya, iyagoo sheegay in ay aad uga mahadcelinayaan taageerada iyo iskaashiga ay Itoobiya la garab taagan tahay, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waxbarashada muhiimka ah, sidaas waxaa lagu yiri war lagu daabacay bogga wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Intii uu socday kulanka, Ambassador Mesganu Arga waxa uu ku celceliyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay inay sii wadayaan xiriirka adag ee kala dhaxeeya Puntland. Wuxuu xaqiijiyay Itoobiya inay diyaar u tahay in ay ballaariso iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dhinac.

Warar ay HorseedMedia heshay ayaa sheegaya in booqashada wefdiga Puntland ee ku sugan Itoobiya uu la xiriiro sidii loo hormarin lahaa dhoofka xooolaha ee dekadaha Puntland iyo sidii la dardargelin lahaa kastamka Tuurdibi.

Wadahadalada, labada wafdi waxay u kuurgaleen fursadaha iskaashi ee ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya yahay mid aad u xun, kadib markii Itoobiya heshiis iskeed ah la gashey Dowladda iskeed isu magacaabtey ee Somaliland taas oo aan caalamu aqoonsaneyn, sidoo kale waxa uu ku soo beegmaya xillia xiriirka maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho uu aad u xun yahay taas oo keentey in Puntland ku dhawaaqdo in ay aqoonsigaba kala noqotey Dowladda Dhexe.

HorseedMedia