Itoobiya oo walaac ka muujisay Masar oo ciidamo gaar ah iyo hub u soo dirtay Soomaaliya

Published: August 30, 2024

Masar ayaa Soomaaliya u soo dirtay hub, saanad milateri iyo ciidamo gaar ah, iyadoo la raacayo qodobbada heshiiska iskaashiga milateri ee xubnaha Jaamacadda Carabta ay saxiixeen horraantii bishan, sida ay saraakiisha ammaanka u sheegeen warbaahinta.

Talaabadan ayaa jawaab cadho leh ka bixisay Itoobiya oo ah dalka Soomaaliya jaarka la ah, sidoo kalena khilaaf xooggan kala dhaxeeyo Masar. Waxa ay ka digtay in aysan garab istaagi doonin “inta ay jilayaasha kale” khalkhal geliyaan gobolka Geeska Afrika.

Masar iyo Soomaaliya ayaa xidhiidh dhow yeeshay tan iyo markii Itoobiya oo aan bad lahayn ay horraantii sannadkan heshiis horudhac ah la gashay maamulka ka goostay Somaliland ee ay ka kireeyeen dhul xeebeedka si ay suurtogal ugu noqoto in la aqoonsado inay ka madaxbannaan yihiin Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madax-banaanideeda, waxayna sheegtay inay ka hortagayso wax kasta oo lagama maarmaan ah. Sidoo kale, waxay ku hanjabtay inay dalkeeda u diri doonto ciidammo lagu qiyaasay 10,000-askari oo Masaari ah, kuwaasoo qayb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta ee lagula dagaalamayo Al-shabaab, haddii aan heshiiska la baabi’in.

Masar oo sheegtay inay doonayso inay sannadka soo socda ka mid noqoto ciidammo cusub oo nabad-ilaalin ah oo Midowga Afrika ka socda ee la geynayo Soomaaliya, ayaa muddo toban sano ka badan khilaaf kala dhexeeyay Itoobiya. Arinta ugu weyn ayaa ah dhismaha biyo xireenka weyn ee ay Addis Ababa ka dhiseyso wabiga Nile oo ay Qaahira ka cabsi qabto in Masar ay ka goyso saamiga biyaha wabiga. Waddamada Carabta ugu dadka badan waxay ku tiirsan tahay wabiga inta badan biyaha macaan ee ay helaan.

Horseed Media