Jabuuti iyo Kenya ayaa isku Mari waayey Loolanka Kursiga Golaha Ammaanka

Published: June 18, 2020

Wadamada Jabuuti iyo Kenya oo ku loolamaya kursiga aan joogtada ahayn ee gollaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa ku guuldaraystay in midkoodna helo codad ku filan.

Codbixintii shalay ka dhacday gollaha ayaa Kenya hesshay 113 cod, halka dalka Jabuuti ay heshay 78 cod, labada dal ayaa midna helin 128 cod ee loo baahnaa sii u xubin uga noqda 15 wadan ee gollaha ammaanka ee qaramada midoobay

Labada dal ayaa hadda u gudbay wareeg labaad oo lagu kala saari doono, hadii midkoodna uusan helin 128 cod, waxay u gudbi doonaan wareeg saddexaad.

Madaxweynayaasha Labada Wadan oo Hadlay

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo ka hadlay loolanka dalkiisu ugu jiro kursi gollaha ammaanka ayaa waxaa uu sheegay in olole xoogan ay u soo galeen in kursigan ay ku guulaystaan

“Tani waxay aheyd olole aad u adag, waxaan soo dhageysanay oo aan diyaarsanay waxyaabaha aad mudnaanta siineysaan ee danaha idiin ah ee aad ka walaacsan tihiin ee aragtiyaha aad ka qabtaan dunida dhibka badan , 27-ka bishan Juun waxaan u dabaal degi doonaa 43 sanno oo xornimo ah, waa 43 sanno oo ay Jabuuti ku caanbaxday nabad iyo dulqaad”

Wuxuu sheegay in Kenya aan lagu aamin karin kursigaas oo uu khilaaf kala dhaxeeyo Somaliya, waxaa kaloo uu sheegay in Jabuuti kaalin weyn ka qaadatay nabada gobolka, isagoo tusaale u soo qaatay wadahadalada ay isugu yimaadeen dowladda federaalka Somaliya iyo Maamulka Somaliland, wadahadalaasi oo ay jabuuti martigelisay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya Uhuru kenyata oo fariin u diray xubnaha gollaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa sheegay in Kenya oo loo codeeyaa ay ka dhigan tahay in loo codeeyay nabada iyo midnimada adduunka.

Madaxweynuhu wuxuu tusaale u soo qaatay dalkiisa oo uu sheegay in dimoqraadiyada iyo nolosha bani’aadamka la tixgaliyo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *