Jabuuti oo saxeexday heshiis ay ku sameysaneyso dayax-gacmeed

Published: January 10, 2023
Shares52

Mas’uuliyiinta dalka Jabuuti ayaa heshiis horudhac la galay koox qaabilsan teknooloojiyadda hawada sare oo ka socota Hong Kong kasoo ku saabsan horumarinta qalabka iyo gantaallada dayax gacmeedka laga rido xilli Jabuuti ay ku howlan tahay sameynta xarun laga diro dayax-gacmeedka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goob joog ka ahaa heshiiska, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Jabuuti.

Mashruuca dayaxgacmeedka Jabuuti waxaa ku bixi doonaa $1 bilyan oo doolar, wuxuu qaadan doonaa muddo shano sano ah.

Sidoo kale waxaa mashruuca qeyb ka ah in deked iyo waddo laga dhiso gobolka waqooyiga dhaca ee Obokh.

Horseed Media