Published: January 18, 2022
Guddiga qaban-qaabada doorashada gudooonka ee guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada dadban ee heer federaal ayaa shaaciyay jadwalka doorashada Guddoomiyaha.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay guddiga Guddiga qaban-qaabadda doorashada ayaa lagu shaaciyey xilliga doorashada iyo hab-raaca lagu dooranayo gudooonka ee guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada dadban ee heer federal.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horrey ka gaqaaday xubinimada guddiga 7 xubin oo lagu soo eedeeyay inay ku xad-gudbeen xeer hoosaadka guddiga taas oo tuhun galisay dhex dhexaadnimadooda.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/01/Jadwal-doorashada-guddigaKhilaafaadka-180122-594x720.jpg)