Jadwalka Soo Xulista Barlamaanka Galmudug oo La Shaaciyay

Published: November 25, 2019

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Maamul u dhisidda Galmudug Cabdinaasir Geele Cilmi ayaa shaaciyay jadwalka soo xulista Xildhibaanada Galmudug ee soo dooran doono madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas.

Wuxuu sheegay in hanaanka soo xulista barlamaanka, doorashada guddoonka barlamaanka iyo tan madaxweynuhu ay socon doono inta u dhaxaysa 25 Nov ilaa 23 Dec 2019.

“Guddiga farsamada iyo maamul dhisidda dowlad-goboleedka Galmudug oo ka duulaya masuuliyiinta culus ee loo igdmadya isla markaasna garwaaqsan baahida loo qabo yagleelida galmudug mideysan oo loo dhanyahay, wuxuu soo saaray jadwalka guud ee hannaanka doorashooyinka Dowlad goboleedka Galmudug” ayuu guddoomiyuhu ku yiri qoraalka uu ka soo saaray jadwalka doorashada Galmudug.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *