Jarmalka oo diiday dalab uga yimid dalka Ukraine

Published: January 22, 2023

Dowladda Jarmalka ayaa ka hortimid in taangiyadeeda casriga ah ee Leopard ay u dirto dalka Ukraine, si dowladda dalkaasi ay isaga caabiso duulaanka Ruushka.

Wasiirada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada illaa 50 dal oo xulafo la ah Ukraine, kuna kulmay dalka Jarmalka ayaan ka soo bixin natiijadii ay Ukraine fileysay.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa codsaday in dalkiisa si degdeg ah loogu soo diro hubka culus, oo ay ka mid yihiin nidaamka difaaca hawada, gawaarida gaashaaman iyo taangiyada.

Xulafada ayaa intii uu socday kulankoodii Ramstein waxay Jarmalka ku cadaadiyeen inuu taangiyada Haramcad u diro Ukraine, walow uu si adag uga biyo diiday.

Jarmalka ayaa sheegay inaanu taangiyadaasi siin doonin Kyiv, illaa iyo inta uu Mareykanka uu taangiyadiisa Abrams uga dirayo dalkaasi.

Horseed Media