Jarmalka oo xiray 25 qof oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen afgambi

Published: December 7, 2022
Shares46

Howlgallo ka dhacay guud ahaan dalka Jarmalka ayaa lagu soo xiray ku dhawaad 25 qof , kuwaas oo looga shakisan yahay in ay qorsheynayeen in ay afgambiyaan dowladda.

Jarmalku waxa uu sheegay in kooxda xagjirka ah ee midigta-fog iyo kuwo hore uga tirsanaan jiray milatariga ay qorsheeyeen in ay xoog ku galaan dhismaha baarlamaanka ee Reichstag oo ay awoodda dalka la wareegaan.

Nin lagu magacaabo Heinrich XIII, oo 71 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu udub dhexaad u ahaa qorshahaan. Sida laga soo xigtay xeer-ilaaliyeyaal federaal ah.

Tiro lagu qiyaasay 50 qof oo rag iyo dumar isugu jira ayaa lagu eedeyay in ay ka mid ahaayeen kooxda la sheegay in ay maleegayeen in ay afgambiyaan jamhuuriyadda oo ay ku bedelaan dowlad cusub .

Dadka la xiray ayaa lagu waday in su’aalo la weydiiyo gelinka dambe ee maanta. Wasiirka cadaalada Marco Buschmann ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in hawlgal wayn oo ka dhan ah kooxdaas uu socdo.

Horseed Media