Doorasho aad u adag ayaa maanta ka dhacdey hoolka shirarka ee baarlamaanka Soomaaliya ama hadda loogu yeero Aqalka Hoose.
Doorashada ayaa u dhaxaysey afar Xildhibaan oo kala ah
Prof Max`ed Cismaan Jawaari, xildhibaan C/rashiid Max`ed Xidig, C/fitaax Max`ed Geeseey iyo Idir Aadan Dhatar.
Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan jawaari ayaa mar kale loo doortey xilka waxaana uu ka guuleystey Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo doorasho adag la galay.
Weli si rasmi ah looguma dhawaaqin codadka rasmiga waxaase Jawaari ku guuleystey codad ka badan 139 cod isla wareegii hore, taas oo ka dhigan kala bar in ka badan Xildhibaanada.
Faafin gadaal ayaa laga daabici.
Horseed Media