Jiang Zemin, Hogaamiyihii hore ee Shiinaha oo geeriyooday

Published: November 30, 2022
Shares20

Hogaamiyihii hore ee Shiinaha Jiang Zemin ayaa geeriyooday isagoo 96 jir ah.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay inuu dhintay wax yar ka dib duhurnimadii Arbacada ee xilliga dalkaas.

Jiang waxa uu xukunka la wareegay ka dib markii 1989-kii uu dhiig badani daatay oo lagu qabqabtay dad mudaharaadayay fagaaraha Tiananmen ee magaalada Beijing iyo hareeraheeda, taasoo keentay in Shiinaha laga takooro caalamka.

Dhacdadani waxa ay dhalisay loolan adag oo xagga awoodda ah oo ka dhacay Shiinaha oo horseeday dib-u-habayn in lagu sameeyo xisbiyada dalka ka jira.

Horseed Media