Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa wada-tashi isugu yeeray xildhibaanada labbada Aqal ee…
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa wada-tashi isugu yeeray xildhibaanada labbada Aqal ee Baarlamaanka JFS ee laga soo doorto Jubbaland. Horseed Media oo xiganayasa ilo lagu kalsoon yahay ayaa daabacdey todobaadkii hore in Xildhibaanada Jubaland looga yeerayo Kismaayo.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa xildhibaanadaan casuumay 8/11/2024, kulanka wadatashiga ah ee uu la yeelanayo ayaa ka dhacaya Kismaayo.
“Xildhibaanada sharafta leh ee labbada Aqal ee BFS ku matala Dowladda Jubaland, waxaan ku casuumayaa kulan wada-tashi ah oo aan kaga tashan doono xaalada siyaasadeed ee dalka oo ka dhacaya magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaadhka ah ee Jubaland, taariikhda 8-11 November 2024,” ayuu Axmed Madoobe ku yiri qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.
Laba kamid ah golaha Xukuumadda ee raysalwasaare Xamse ayaa maanta xilkii iska casiley kuwaas oo laga soo doorto Jubaland kuna habqaybsi ahaa Raysalwasaaraha, waxaana ay Xukuumadda ku eedeeyeen in ay ka leexatey wixii loo doortey kana shaqeyneyso dhibaatada Jubaland iyo Puntland.
Sidaan oo kale waxaa samaysey Puntland, waxaana Garoowe tegay oo casumaadda ka jawaabey Xildhibaano gaaraya 18 Xildhibaan, kuwaas oo soosaarey war murtiyeed ay uga soo horjeedaan , sida lagu wado Dowaldda Federaalka, waxaana ay garab istaageen Puntland.
Raysalwasaare Xamse oo horey u ahaa Xildhibaan laga soo doorto Jubaland ayaa wax taageero ah ka haysan Puntland, haatana waxaa garabkiisa ka sii baxaysa Jubaland, waxaa calamaad su’aal dul saran tahay sida uu dalka ugu hoggaamin karo doorashooyin.
HORSEED MEDIA