Jubaland oo shaki ka muujisay go’aankii Farmaajo ku sheegay in uu wareejiyay hogaamintii doorashada

Published: May 2, 2021

Dowlad goboleedka Jubaland ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aankii madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku sheegay in Ra’iisul Wasaarihiisa uu ku wareejiyay qorshaha hogaaminta arimaha doorashada.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland Eng Cabdi Xuseen oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaliga ee VOA ayaa sheegay in ay shaki xooggan ka qabaan suurtagalnimada in Farmaajo wareejiyay howlaha doorashooyinka isagoo arintaasi ku fasiray in uu weli Farmaajo maamulo Ciidamo ka amar qaata oo qeybtood ay ku sugan yihiin gobolka Gedo.

“Ma wada dhama oo sidii la rabay ma ahan in xukunka uu wareejiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, waa laga habboon yahay in uu isku dhajiyo ciidamadii ayaa is hor fadhiya”

Eng Cabdi Xuseen ayaa ku tilmaamay hogaaminta howlaha maamulida doorashooyinka ee Rooble in ay tahay mid aan dhameystirnayn oo qabyo ah loona baahan yahay in Farmaajo uu saxiixo warqadda xilwareejinta uuna wareejiyo hogaanka Ciidanka.

Farmaajo ma ahayn in uu doorashada keliya wareejiyo, hoggaankii ciidanka ayuu weli hayaa waana in uu saxiixaa warqadda xil wareejinta”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Wasiir Cabdi ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhoweynayaan xal kasta oo lagu raadinayo in dalka ay ka dhacdo doorasho nabdoon oo lagu wada qanacsan yahay

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *