Published: July 25, 2020
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/07/hir-jub.jpg)
Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa magacaabay xubnaha ku matali doona guddiga farsamo ee dhowaan lagaga dhawaaqay shirkii dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada ee Dhuusamareeb 2.
Xubnaha Hirshabeelle:
- 1- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Mudane Maxamed Cali Caadle
- 2.Madaxa Xafiiska Amniga Maamulka Hirshabelle Abdul Mohamed Farah Makaran
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/07/Hir.png)
Xubnaha Jubbaland:
- 1- Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada.
- 2- Xamze Cabdi Barre , Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/07/Farsamo.png)
Sidoo kale Puntland ayaa horey u magacaabatay xubnaha ku matali doona guddiga farsamo ee diyaarinta hanaanka doorashooyinka dalka.
Horseed Media