Jubbaland oo ka hadashay dhaq-dhaqyada ciidamada Itoobiya ee gobolka Gedo

Published: August 8, 2022

Mas’uuliyiinta amniga ee maamul goboleedka Jubaland ayaa faah-faahin ka bixiyey ciidamo ka socday dhinaca Itoobiya oo dhaqdhaqaaqyo cusub ka sameeyey magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga ee Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa dhaqdhaaqaayadan ciidanka Itoobiya ku sheegay sugida amniga xaduudaha, si ay uga hortagaan in Alshabaab mar kale weerar kusoo qaadaan dowlad deegaanka Soomaalida.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa sheegay ciidamada Itoobiya inay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee Doolow iyo buundada magaalada, ayna yihiin ciidamo yar oo aan ahayn sida loo buunbuuniyay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay Itoobiya iska kaashanayaan la dagaalanka Shabaabka dhibaatada ku haysa gobolka Gedo.

Dhankeeda Dowladda Itoobiya ayaa ciidamadan ay soo galisay gobolka Gedo ku tilmaamay inay qeyb ka yihiin ka hortagida weeraro Alshabaab mar kale ay qorsheynayaan inay dalkeeda kusoo qaadaan, sida ay horey uga digtay dowladda Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *