Jubbaland Oo Sheegtay Inay Fulinayso Heshiiskii Doorashada Dowlad Goboleedyada Iyo DFS

Published: December 3, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyey shirka golaha wasiirada Jubbaland kaas oo maanta ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Jubbaland.

War qoraal oo kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay inuu madaxweyne Axmed Madoobe diyaar u yahay inay Jubbaland qayb ka qaadato doorashooyinka iyadoo ay mudnaanta leedahay in loo madax banaaneeyo gudiga doorashada Jubbaland si waafaqsan heshiiskii ay madaxda DFS iyo dowladaha xubnaha ka ahi ay ku saxiixeen Magaalada Muqdisho.

Gobolka Gedo ayuu sheegay madaxweynaha in dhibaato weyn ku hayaan Ciidamada ay geysay dowlada federaalka Soomaaliya, kuwaas oo gabi ahaanba xasiloonidii iyo nabadii ka jirtey deegaanka u badaley qalalaaso iyo boobka hantida shacabka.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa wasaarada arrimaha gudaha ku bogaadiyey yagleelida maamulka degmada Afmadow kaas oo ay shacabku soo doorteen hogaanka degmada taas oo bilow fiican u ah dhismaha Dowladaha hoose ee degmooyinka Jubbaland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *