Kacdoon ka dhan ah Somaliland oo ka bilowday Magaalada Boorama

Published: May 8, 2023
Shares16

Magaalada Boorama ee xarunka gobolka Awdal waxaa ka bilowday kacdoon ka dhan ah Somaliland kadib markii saaka ay dhaceen banaanbaxyo waa weyn.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay banaanbaxa kadib markii ciidamada Somaliland ay rasaas nool nool la dhaceen dadkii shacabka ahaa.

Dhanka kale, Xarunta Shirkaddaha SBI iyo Lis ay ku leedahay Magaalada boorame ayaa guud ahaamba wixii yaalay la boobay.

Dadweynaha Boorama qaarkood oo dibad bax dhigaya ayaa beegsaday xarunta shirkadaasi.

Xaaladda magaalada Boorama ayaa weli kacsan, iyadoo kacdoonku uu yimid kadib cato ka dhalatay askari nin sarkaal ah diley oo degaan ahaan ka soo jeeda Boorama.

Horseed Media