Kalfadhigga 35aad ee Golaha Deegaanka magaalada Boosaaso oo maanta soo gabagaboobay

Published: June 13, 2024

Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso Mudane Bashiir Faarax Siciid ayaa Guddoomiyey, kulanka xiritaanka Kalfadhigii 35-aad Gollaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso ayaana kulankooda maanta waxaa hor yimid shirkadaha biyaha magalada Bosaaso, kuwaas oo laga dhegaystay warbixin ku saabsan adeegooda iyo sida ay ugu shaqeeyaan bulshada,

Xildhibaanada ayaana waydiiyey su’aal kala duwan oo ka turjumaaya cabashada bulshada, madaxda shirkadaha ayaana ballan qaaday inay waxka baqan doonan cabashada bulshada.

Sidoo kale Golaha ayaa maanta ansixiyay

Magacaabista saddex Guddi oo kala ah

  • Guddiga Waxka bedelka Canshuuraha Dowlada Hoose
  • Guddiga Hormarinta Bilicda Degmada
  • Guddiga Xogta Biyaha iyo Korontada.

Kalfadhiga ayaa kusoo dhammaaday si guul ah iyada oo si rasmi ah loosoo xiray Kalfadhigii 35-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso, waxaana intii uu socday lagu meelmariyey qodobo dhowr oo ay kamid tahay khidmada halka doollar ee lagu kordhinayo biyaha iyo korontada taas oo ah horumarinta magaalada.

Horseed Media