Kenya Airways oo bilowdey duulimaad Kaargooga ee Imaaraadka iyo Muqdisho

Published: February 10, 2024

Shirkadda Kenya Airways ayaa bilowdey duulimaad toos ah ee Sharjah ilaa Muqdisho taas oo qaadeysa xamuulka ganacsiga.

Diyaaradda kaargooga ee Kenyan Airways ayaa maalintii shalay ee Jimacada keentey magaalada Muqdisho xamuulkii u horeyey muddo laba sano ah kadib.

Duulimaadka tooska ah ayaa noqnaya todobaadkasta hal mar iyada oo qorshuhu yahay in bisha Abril 2024 la ballaariyo oo la gaarsiiyo todobaadkiiba laba jeer.

“Waan ku faraxsanahay in aan ballaarino adeegeena kaargooga ee heerka caalamiga ah oo aan gaarsiino suuqyada aan loo adeegin oo leh badeeco kala duwan, ” ayuu yiri agaasimaha xamuulka ee KQ Dick Murianki. “Duulimaadka tooska ah ee u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya waxaa loo qabey baahi weyn, gaar ahaan alaabaha degdega loogu baahdo sida kuwa Elekroonikada, qalabka baabuurta, qalabka Korontada iyo dharka” ayuu raaciyay.

Diyaarada maalintii shalay ka soo degtey garoonka Muqdisho ayaa nooceedu ahaa 737-800F waxay qaada ilaa 23 tan oo culays ah.

Shirkadda kenyan Airways ayaa isla todobaadkan qorsheyneysa in ay si toos ah u bilowdo duulimaadka rakaabka ee Nayroobi iyo Muqdisho.

Horseed Media