Kenya oo adkeysay ammaanka xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya, kadib cabsi ka soo wajahday Al-Shabaab

Published: December 11, 2022
Shares10

Boqolaal ka tirsan ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa maalihii ugu dambeeyay la geeynayay magaalooyinka ku teedsan xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

“Kenya ayaa isha ku haysa duulaanka dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si ay uga saarto deegaano ay horay uga qabsadeen” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha ammaanka Kenya.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in ay cabsi weyn ka qabaan qulqulka Xubnaha Al-shabaab ee ka baxsanaya weerarrada ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah.

Deegaanada ku teedsan xuduudka ayaa si weyn looga dareemayaa qulqulka ciidamada Kenya oo ka feejigaan kaga jira Al-shabaab.

Horseed Media